Dad ku qasbanaaday in ay wabi dabaal uga gudbaan iyaga oo ka cararaya colaad ka jirta dalkooda

Facebook Twitter LinkedIn
Dad ku qasbanaaday in ay wabi dabaal uga gudbaan iyaga oo ka cararaya colaad ka jirta dalkooda

Boqolaal qof oo u dhashay dalka Congo oo magangelyo weydiistay Burundi ayaa waxaa qaaday biyaha webiga Ruzizi, iyagoo ka cararayay dagaallada u dhaxeeya M23 iyo ciidamada dowladda.

Jordan Bita waa mid ka mid ah muwaadiniinta Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo ka cararaya dagaallada si ay gabaad iyo nabad uga raadsadaan dalka deriska la ah ee Burundi.

Bita, si la mid ah dadka kale, waxaa lagu qasbay inuu dabaasho 300 oo mitir isaga oo goynaya webiga Ruzizi oo ah mid si degdega u socda.

Kadib markii ay ku guuleystaan in ay u gudbaan Buundi ayaa boorsooyinka ay wateen waxaa baaraya sarikiisha dalka Burundi, kuwaa oo aan wadan wax amni darro keeni kara ayaa loo ogolaadaa in ay galaan oo la geeyo xerada qaxootiga.

Amani Sebakungu ayaa sidoo kale ka soo jeeda deegaanka Kamanyola, oo ay hadda gacanta ku hayaan fallaagada M23. Sidoo kale waxaa lagu qasbay inuu ka gudbo wabigan si uu u galo Burundi.

"Wax aan sameeyo ma hayo, waa inaan ka gudbo webigan si aan cunto ugu keeno qoyskeyga, markaan wabiga ku jiro, nafteyda ayaan u huraa, haddii aan ku guulaysto inaan si nabad ah uga gudbo, haddii aan dhibsado, waxaan u yeeraa asxaabtayda si ay ii caawiyaan, haddii xaaladdu ay ka sii darto, markaas waxay noqoneysaa maalintaydii," ayuu yiri Sebakungu.

Kuwa ku guulaysta safarkaan, waxay aadaan xeryaha qaxootiga.

Hooyo diiday in magaceeda la sheego ayaa wayday ilmo yar oo ay dhashay oo todoba bilood jiray ka dib markii uu la bukooday xanuunka Septicemia, oo ay sababeen biyaha qabow ee wabiga Ruzizi.

"Markii aan gaaray wabiga Ruzizi, waxa ay aheyd maalin roobaad, waxaan la dabaashay cunugeyga balse nasiib daro waxa uu cabay biyaha wabiga Ruziziga, biyahana aad ayey u qabow yihiin, marka waxaa soo wajahay dhibaato dhanka neefsashada ah, waxaan u qaadnay isbitaalka xerada balse nasiib daro wuu geeriyooday, aad ayaan uga murugooday" ayey tiri hooyadan.

Magega Mwarui, oo 87 jir ah, oo aragga naafo ka ah, ayaa sidoo kale ku dabaashay webiga xilli uu ka baxsanayay dagaalka M23.

Waxa uu sheegay in xitaa uusan garaneyn inta jeer ee uu ka gudbay webigan, sababtoo ah waxa uu soo arkayay qalalaasaha DR Congo sanado badan.

Inkasta oo ay ka gudbeen wabigan, muwaadiniintan reer Kongo waxa ay wajahayaan khatar aad u weyn, gaar ahaan marka ay M23 isku daydo in ay qabsato goobo badan oo Koonfurta Kivu ah.

Iyadoo ay socdaan dadaallada ay beesha caalamka ugu jirto xal u helida colaadda Kongo, ayaa dadka reer Congo waxay rajeynayaan in nabaddu ay soo noqoto si ay iyaguna dalkooda ugu laabtaan oo ay noloshooda u sii wataan.

admin

admin

Content creator at LTD News. Passionate about delivering high-quality news and stories.

Comments

Leave a Comment

Be the first to comment on this article!
Loading...

Loading next article...

You've read all our articles!

Error loading more articles

loader